Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo War Lama Filaan ah kasoo Saartay Kulankii Xasan Shiikh...

Dowlada Soomaaliya oo War Lama Filaan ah kasoo Saartay Kulankii Xasan Shiikh iyo Abiya Axmed

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay wararka ku saabsan kulanka la qorsheynayo inuu dhex-maro madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, kadib markii uu shalay madaxweynaha Kenya uu shaaciyay inay ka shaqeynayaan wada-hadalka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Ilyaas Cali Xasan oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka la qorsheynayo in la’isugu keeno labada hoggaamiye, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay soo dhaweyneyso dadaallo ay wadaan madaxa Geeska Afrika.

“Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” ayuu yiri Danjiruhu.

Ilyaas ayaa sidoo kale ku celiyay in weli aanus isbeddalin mowqifka Soomaaliya ee ku aadan in marka hore ay Itoobiya ka laabato heshiiska badda ee ay la gashay Somaliland.

“Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya” ayuu mar kale yiri Ilyaas.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dhanka Itoobiya ay ka socon la’dahay arrintu, isla markaana aysan daacad ka ahayn wada-hadalka.

Ma cadda xilliga uu qabsoomi doono kulanka labada hoggaamoye ee uu xaqiijiyay madaxweyne Ruto, balse wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo foolka fool ah oo ay yeeshaan labada dhinac, tan iyo markii uu soo baxay khilaafkooda ku aadan badda.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleCiidamo kabadan 100 oo Ku biiray Dowlada Kana Goostay Jubaland
Next articleWafdi Culus oo ka Socda Dowlada Soomaaliya oo Gaaray Dhuusamareeb