Axmed Madoobe oo Masjidka Madaxtooyada Kismaayo kasoo hadlay.
Madaxweynaha JL Axmed Maxoobe oo kahadlayay magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in uu MW Soomaaliya ka shaqeynaya soo celinta wax ay horey Soomaalidu uga soo gudubtay oo ah abuurid qabyaalad iyo kala qoqobka dadka Soomaaliyeed.
Ciidamada lageeyey Raaskambooni ayuu sheegay in ay nasiibdarro tahay, oo wali madaxda DFS waqti u furan yahay, ayna tahay in ciidamadaas lagu celiyo halkii laga keenay, haddii kale wixii ka dhasha ay masuuliyadooda qaadayso Madaxtooyada Soomaaliya, ayna haystaan 15 maalmood in aaggaas laga qaado, maadaama ay tahay goob xasaasi ah oo dalal isku xirta oo aan lagu khamaari karin.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhammaan maamuladii iskaga dambeeyey Villa Somalia uu mid kastaaba duulaan lahaa, iyaguna jabeen tan Haddana ay taas lamid tahay.