Hay’adda Shidaalka ee Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub oo ku qotoma sahminta shidaalka la gashay dhiggeeda shirkadda Tamarta ee dalka Turkiga, TPAO (Turkiye Petroleri Anonim Ortakligi), si loo sii amba qaado qodista shidaalka.
Warbixinno kala duwan oo kasoo baxay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkuga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan cusub uu la xiriiro sahaminta kaarboon-carbon oo si wadajir ah u sameyn doonaan labada dal, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.
Sida uu wasiirku tilmaamay waxaa heshiiskan fulin doono quburo cilmi baaris oo diiradda saari doono gaaska iyo saliidda Soomaaliya.
“Heshiiskan, waxaan ku fulin doonnaa hawlgallo cilmi baaris oo saliid iyo gaas ah oo ku saabsan dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar.
Horay Muqdisho iyo Ankara ayaa u galay heshiis shidaal baaris ah oo beegsanaya keydka shidaalka ee aagga dhaqaalaha badda Soomaaliya, oo aan wax horumarin ah lagu sameyn tan iyo markii ay buburtay dowladdii kali-taliska aheyd ee Soomaaliya 1991-kii. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sahmin dhanka dhulka ah.
Sidoo kale labada dowladood ayaa isku raacay in shidaal qodista si rasmi ah loo bilaabayo sanadka soo socda ee 2025-ka.