Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Farmaajo oo Mucaaradka uga baxay Aag Culus

Farmaajo oo Mucaaradka uga baxay Aag Culus

0

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si lama filaan ah uga aamusay taageerada doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taasoo soo bandhigtay kala aragti duwanaan cusub iyo kala shaki u dhaxeeya isaga iyo mucaaradka. Mucaaradku waxay quud-dareynayeen inuu soo saari doono war-saxaafadeed rasmi ah oo uu ku taageerayo Ahmed Madoobe si loo mideeyo mowqifyada mucaaradka, balse aamusnaantiisu waxay muujisay in xiriirkooda uu yahay mid aan xooganeyn oo aan ku dhisnayn kalsooni buuxda.

Go’aanka Farmaajo ee uu kaga aamusay arrinkan ayaa dhalinaya su’aalo ku saabsan mustaqbalka iskaashiga siyaasadeed ee mucaaradka, Iyadoo hore loo ogaa in Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud oo markaas mucaarad ahaa uu taageeray doorashadii Axmed Madoobe ee 2019, taasoo isbahaysigii mucaaradka ee xilligaas mideysnaa u suura-gelisay in Xasan Sheekh ku guuleysto doorashadii 15 May ee madaxtinimada dalka.

Ad
Previous articleJubaland oo Ciidamo Gaysay Duleedka Raaskanbooni
Next articleDagaal Durbaba ka Qarxay Magaalada Raaskanbooni