Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri Talaabo Culus Qaadi Doona

Baarlamaanka Soomaaliya oo Beri Talaabo Culus Qaadi Doona

0

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Barlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal oo wadajira ay u codeeyaan Xeerka Doorashooyinka Qaranka kaasoo laga dooddayay maalmihii la soo dhaafay.

Akhrinta sedexaad ayaa la marsiin doonaa xeerkan berito, deetana waa loo codeyn doonaa, waxayna dad badan filayaan in Barlamaanku meel mariyo xeerkan si lamida sidii ay u anxiyeen xeerarkii kale ee khuseeyay arimaha doorashooyinka.

Barlamaanka ayaa Isniintii la soo dhaafay cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.

Lix iyo toban kii Noofeembar waxa uu Barlamaanku ansixiyay Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha.

Xeerarka qaarkood la ansixiyay kuwa kalena loo balan sanyahay in la meel mariyo ayay dawladdu ku sheegtay in ay u gogol xaarayaan in dalka laga hirgaliyo nidaamka xisbiyada badan, isla markaana la qabto doorasho toos ah oo dadweynuhu ku soo dooranayaan madaxdooda.

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa ka biyo diiday hannaanka loo maray ansxinta shuruucdan, waxayna sheegeen in arintan ay dalka u horseedi doonto kala qaybsanaan baahsan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSir Gavin Williamson: Xildhibaanka kooxda Trump kala hadlay aqoonsiga Somaliland iyo waxa uu kala kulmay
Next articleMaraykanka oo Si Cara leh uga Hadlay Xariga Lagu Xukumaya Natayaahuu