Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Safiirka Danmark ee Soomaaliya Kiis Xasaasi ah kusoo oogtay

Dowlada Soomaaliya oo Safiirka Danmark ee Soomaaliya Kiis Xasaasi ah kusoo oogtay

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo banddhigtay kiis xasaasi ah oo loo haysto safiirka dowladda Danmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen, kaas oo kamid ahaa wafuuda caalamiga ah ee qaybta ka ahaa kormeerka doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday deegaannada maamulka Somaliand.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo warqad u dirtay Danjiraha ayaa ugu yeertay inuu yimaado xafiiska, waxayna ku eedeysay inuu ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax banaanida dalka uu ku dhowaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa,

“Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qarinayo dalka uu safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah safiiradii tegay Somaliland in ay qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, isla markaana taasi ay u arkaan arrin khalad ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in safiiradu aanay ka aqbali doonin in sida dal oo kale ama dowlad gaar ah ay ula macaamilaan maamulka Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu uga digay safiirrada jooga Soomaaliya inay soo saaraan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee JFS marka ay soo baxdo natiijada doorashada maamulka gobollada waqooyi ee Soomaalind, isagoo tilmaamay wixii dhaxdeena ah inay Soomaali u taallo.

Ad
Previous articleGoormee ayay Dhacaysaa Doorashada Jubaland ee axmed Madoobe?
Next articleJadwalka Doorashada Jubaland oo Durbaba Lasoo Dhaweeyey