Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku adkaaday maantay Qodobkii koowaad ee dhismaha Guddiga Doorashooyinka Xasan shiikh ayaana Diiday inuu Dib u dhigo Codaynta Maantay Dhacday Gudi kasocda Dowlada Kenya oo Dhexdhexaadinaayay Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe ayaana Xasan Shiikh usoo jeediyay Inuu Dib u dhigo codayntii Maantay Dhacday.
Axmed Madoobe ayaa Asna La filyaa inuu Qaado jawaab Deg deg ah asagoo Laga Filaayo inuu shaaciyo Jadwalka Dorashadiisa Si uu isku doorto.
Baarlamaanka Labada aqal ayaa Maantay Siwadajir ah ugu codeeyey Xeerkii Lagu dhisi lahaa 18 xubnood ee Guddiga Doorashada 172 Xildhibaan oo Fadhiyay Golaha ayaa Si aqlabiyad leh ugu codeeyey Xeerkaan.
wasaarada Arimaha Guddaha ayaa la Filayaa inay Dhawaan soo Magacowdo 18kaan Xubnood kadibna la Horgeeyo Golaha wasiirada Soomaaliya Markay ay ansixiyaana Markale Baarlamaanka la horgeeyo si ay u ansixiyaan.
Xasan Shiikh ayaa waxaa ka go’an in maalmo gudahood uu ku dhisto Gudigaan Sidoo kale axmed Madoobe ayaa Asna raba maalmo gudahood inuu isku doorto taas oo ka dhigan in Jubaland iyo xasan Shiikh kala Tageen.
xasan Shiikh oo Haysta Guddi Doorasho iyo axmed madoobe oo asna is doortay ayaa La filayaa inay wad hadlaan markale Xasan Shiikh ayaana Haatan u muuqda mid dhagaha ka Furaystay Maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland.