Home Wararka Maanta Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah...

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa maxaa looga Hdalaayaa?

0

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka maanta ee labada Aqal ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa xeerarka doorashooyinka oo uu ku howlan yahay Baarlamaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maanta xildhibaannada ay ka doodi doonaan aqrinta 3-aad iyo u codeynta xeerka dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa goor sii horreysay loo diray farriin wargelin ah, si ay usoo xaadiraan kulanka maanta oo la filayo inuu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa isla fadhiga maanta aqrinta 2aad lagu marin doonnaa xeerka ururrada/xisbiyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee doorashada dadweynaha ka qaybgalayam si loo helo xeer qeexaya oo Baarlamaanku u codeeyay.

Kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo, waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada doorasho ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa tallaabada uu qaado Baaralamaanka Soomaaliyeed oo leh go’aanka ugu dambeeya ee lagu jiheynayo doorashooyinka soo socda dalka.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Ka hadaly Geerida Ku Timid Siilaanyo
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ciidamo Miletiri Ku Daabulaysa Jubaland