Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya magaalada Hargeisa, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa telfoon kula hadlay Cabdiraxmaan Cirro, oo ilaa hadda ku horeeya Natiijada doorashada madaxweyne-nimada Somaliland, iyagoo iskugu hambalyeeyey Natiijada doorashada.
Cirro & Muuse Biixi, ayay wararku sheegayaan in ay wada hadal yeelanayaan, iyadoo ilaalo dheeraad ah la siiyey Cabdiraxmaan Cirro, oo lafilayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo madaxweyne-nimadiisa.
Dhawaan ayaa La Filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo Ciro inuu ku guulaystay Doorashada Soomaaliland.
Ad