Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aanadii kasoo...

Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aanadii kasoo baxay…..

0

Dowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aanadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka ahaa ee magaalada Asmara ku dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, bishii lasoo dhaafay ee October.

Wasiirradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku kulmay Riyadh ayaa ka wada-hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, iyadoo Masar ay ku dhowaaqday markale in lama taabtaan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa ku celiyay mowqifka Masar ee ku aaddan ixtiraamidda iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah.

Sidoo kale wuxu caddeeyay sida ay Masar diyaar ugu tahay ka qayb qaadashada ​​howl-galka cusub ee Soomaaliya, kaas oo billaaban doona sanadka cusub ee 2025.

“Masar iyadoo gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran nabadda iyo amniga gobolka si wafaaqsan mabaadi’da iyo axdiga QM iyo Midowga Afrika waxay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada howlgalka cusub,” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay sida ay Masar uga go’an tahay ku garabsiinta xasilloonida.

Badr Abdelatty ayaa waxa kale oo uu sheegay in dalkiisu ka caawin doono Soomaaliya taageerida dhanka dib u dhiska hay’adaha amniga iyo militariga, si ay ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

Kulamada mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Masar ayaa xoogeysatay tan iyo markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland horaantii sanadkan, waxayna xukuumadda Qaahira si cad u sheegtay inay taageeri doonto ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyadoo si adag uga hortimid is-afgaradkaasi.

Labada dal ayaa tan iyo markaas waxay gaareen heshiisyo dhanka difaaca ah, iyadoo Masar-na ay gudaha Soomaaliya keentay hub iyo saanad ciidan, kaas oo ciidamada xoogga dalka ka caawinaya dagaalka ay ku jiraan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articlefacebook intabada Soomaalidii caanka ahayd oo Caliyare kujiro oo la xiray?
Next articleQaraxyo xalay ka dhacay caasimadda Brazil