Home Wararka Maanta facebook intabada Soomaalidii caanka ahayd oo Caliyare kujiro oo la xiray?

facebook intabada Soomaalidii caanka ahayd oo Caliyare kujiro oo la xiray?

0

Waxaa taagan dood xoogan oo ka dhalatay tallaabada lagu beegsaday Facebook-yada dad mucaarad ah oo kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ayna ku jiraan Wariyeyaal caan ah, kuwaas oo hal mar hawada laga wada saaray.

Dadka laga xiray boggaga ayaa isugu jiro siyaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo aad u dhaliili jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xoogan iyo in eedeymo loo jeediyay dowladda dhexe oo la xiriira ciwaannada shaqsiyaadkaas ee hawada laga saaray.

“Waxaa mas’uuliyad darro iyo xad-gudub ah in la isku dayo in la afqabto aragtiyaha toosinta iyo tilmaamaha ah ee ka imaanaya bulshadda Soomaaliyeed loona adeegsanaayo qolooyin burcad Internet-ka oo si gaar ah u beegsanaya mas’uuliyiinta iyo shacabka ka soo hor jeeda  aragtida Siyaasadeed ee kali-talisninadda ah ee uu dalka u horseedaayo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud taasoo muujineysa dul qaad la’aanta Xasan Sheekh Maxamuud ee aragti iyo maqal kasta oo ka duwan aragtidiisa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Intaas kadib waxaa hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo beeniyay in dowladda ay beegsatay Facebook-yada dadka mucaaradka ku a madaxda sare ee dalka.

“Waxaas waxba kama jiraan, waa war iska raqiis ah dowladda Soomaaliyeed waxa ay ka shaqeysaa waa inay xorriyatul qowlku hormariso, waana dowlad qawaaniin ku dhisan” ayuu yiri wasii ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleDowladda Soomaaliya iyo Masar ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aanadii kasoo baxay…..