Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa loo dhigay gaari Cabdi Bile oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya, xilli uu marayay agagaarka Xero Bangalo oo ku taalla laamiga dheer ee degmada Dayniile.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay illaa 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo kamid ah ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa durbo sheegatay kooxda Al-Shabaab oo inta badan weerarada noocaan oo kale ah ka fuliso gudaha caasimada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi waxyeelada kasoo gaartay ciidamada dowladda.

Maalmihii lasoo dhaafay ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid deggan, waxaana howlgallo guuleystay oo amni xaqiijin ah ka waday qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMucaaradka Jubaland oo wacad Ku maray inay qabsan dooonaan Doorasho
Next articlefacebook intabada Soomaalidii caanka ahayd oo Caliyare kujiro oo la xiray?