Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Mid ka Mid ah Ragii Alshabaab ka Saaray Gobalka Hiiraan oo Si...

Mid ka Mid ah Ragii Alshabaab ka Saaray Gobalka Hiiraan oo Si fudud lagu dilay

0

Gudoomiyhii Hore ee Degmada Moqokori Hadana ahaa Gudoomiye Ku xigeenka Amniga Iyo Siyaasada Moqokori Xasan Barre Makaraan oo Maantay La Dilay.

Xasan Barre Makaraan Ayaa Lagu Dilay Meel Lagu Magacaabo Ceelhur Oo u dhow Degmada Moqokori Xasan Barre ayaa Ka Mid aha Ragaa Alshabaab Kasaaray Gobalka Hiiraaan.

Alshabaab ayaana Dhowr mar Isku Dayday inay Khaarijiso Xasan Barre Makaraan Balse Wuu Ka Badbaaday oo ka mid ahaa Ragii Alshabaab Hiiraan Ka Saaaray.

Geerida Xasan Bare Makaraan ayaa Waxaa Ka danbeeyey Mooryaan Isbaaro Dhigatay Meel u dhow Moqokori Xasan Bare makaraan iyo Ciidamo uu hogaaminaayo ayaana Ku Baxay Mooryaantaas si ay wadada uga wareejiyaan.

Dagaal kooban oo dhex maray Mooryaantii Iyo Ciidankii uu hogaaminaayay Xasan Bare makaraan kadib ayaa La xaqiijiyay in Xasan Bare ay  haleeshay Xabado ay soo rideen ragii isbaaradu u taalay taas oo sababtay inuu dhaqso geeriyoodo.

maydka xasan bare makaraan ayaana lasoo qaaday dhanka degmada Moqokori halka la sheegay inay baxsadeen ragii isbaaradu u taalay ee dagaalka lagalay ciidamadii uu watay xasan makaraan Guddomiyihii hore ee Degmada Moqokori

Ad
Previous articleWadahadalo lagu Heshinaayo Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe oo Bilowday
Next articleSoomaliland oo maantay u dareertay Doorashada Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo…