Aqalka Madaxtooyada ee Kismaayo, waxaa goor dhaw wada hadal kuyeeshay Dhexdhexaadiyayaal kasocda dawladda Kenya oo uu kala dab-qaadaya Madaxweyne Xassan Sh & Madaxweynaha Jubbaland, waana wareegii 2aad oo ay ergadan ku jiraan.
Sida ay wararku sheegayaan, xubnahan ayaa kala hadlay Jubbaland in xiisada hoos loo dhigo, lana wada hadlo, isla xubnahan ayaa Muqdisho kula kulmaya maanta madaxda DF Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa todobaadyo kahor codsaday in lala hadalsiiyo Axmed Madoobe, si madasha wadatashiga dib ugu soo laabto, xiligaas oo ahayd intii uusan sii adkaanin xariirka 2da dhinac, Jubbalandna aysan ku dhawaaqin guddiga doorashadeeda.
Ad