Home Wararka Maanta Ganacsato Hor leh oo Maantay Muqdisho lagu dilay

Ganacsato Hor leh oo Maantay Muqdisho lagu dilay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ganacsato dil iyo dhaawac maanta loogu gaystay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska Fagax.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in rag ku hubeysan bistoolado ay weerareen kaalin shidaal oo ku taalla halkaasi, waxayna dileen mid kamid ah wiilashii ganacsatada ahaa ee ku sugnaa, iyaga oo dhaawacay mid kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kaalinta shidaalka ay ku xirneyd kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay dhowaan ganacsatada inay xirtaan ku amartay dowladda Soomaaliya.

Kooxda dilka fulisay ayaa durbadii meesha ka baxsatay, waxaana goor dambe goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay aagga isgoyska Fagax.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo beegsiga lagu hayo ganacsatada Muqdisho oo dhibane u noqday amarka dowladda, waxaana weeraro ay kala kulmayaan kooxda Al-Shabaab.

Maalmo ka hor ayaa sidaan oo kale xaafadda Soona-key loogu dilay mid kamid ahaa ganacsatada, iyada oo isla goobtaas lagu dhaawacay mid kale, waxaana loo beegsaday kaamiro ay ku xireen dukaankooda.

Horay sidaan oo kale Al-Shabaab ayaa u beegsatay goobo ganacsi oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, waxaana xarumaha qaar lala beegsaday qaraxyo u geystay khasaarooyin lixaad leh.

Inta badan ganacsatada reer Muqdisho ayaa u hoggaansamay amarka dowladda, laakiin waxa ay u noqdeen dhibanayaal, maadaama ay beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDiyaarad Dagaal oo Waday Gantaalo Culus oo Ku dhacday Magaalo Alshabaab Maamulaan
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Dalka…