Home Wararka Maanta Diyaarad Dagaal oo Waday Gantaalo Culus oo Ku dhacday Magaalo Alshabaab Maamulaan

Diyaarad Dagaal oo Waday Gantaalo Culus oo Ku dhacday Magaalo Alshabaab Maamulaan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta diyaarad nooca dagaalka ah ay ku dhacday duleedka degmada Qoryooley, gaar ahaan tuulo ay maamulaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xog heshay Warbaahintu ayaa ku warrameysa in diyaaradda ay ahayd Drone  siday gantaallo waxayna ku dhacday tuulo lagu magacaabo Farsooley, oo ay gacanta ku heyso Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaraddan ay leedahay dowladda Turkiga oo kamid ah dalalka waa weyn ee taageerada milatari siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Macluumaadka la helayo ayaa muujinayo in Al-Shabaab ay gacan gashay diyaaradda iyo agabkii ay sidday, inkastoo ay ahayd nooca yaryarka ee loo adeegsado duqeymaha.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo ku aadan diyaaradda ku dhacday tuulada Farsooley oo ku dhow degmada Qoryooley.

Turkiga ayaa indhowaanahan ka qayb-qaadanayay dagaalka Al-Shabaab, waxaana diyaaradihiisa dagaalka ay duqeymo ka wadeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, ma’aha diyaaraddii ugu horreysay oo ku dhacda dhul ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana dhacdooyin soo laa laabtay oo su’aallo iyo shaki xoogan dhaliyay.

Ad
Previous articleXamse Cabdi Barre oo Deg Deg usoo Magaacabay BoosaskaWasiiradii Jubaland ee is Casilay
Next articleGanacsato Hor leh oo Maantay Muqdisho lagu dilay