Home Wararka Maanta Kamala Haris”Trump waa qof aan xasiloonayn oo xisilooni daradiisuna sii kordheyso”

Kamala Haris”Trump waa qof aan xasiloonayn oo xisilooni daradiisuna sii kordheyso”

0

Kamala Harris iyo Donald Trump ayaa labaduba shalay isku soo bax ku qabtay gobolka muhiimka ah ee lagu dagaalamayo ee North Carolina, iyaga oo rajaynaya in ay kasbadaan taageerada codbixiyayaasha aan codkooda dhinac u ridin.

Isu-soo-baxeeda Charlotte ka dhacay, Harris waxay ku billowday dhaleeceynta Donald Trump.

“qofkani waa qof aan xasiloonayn oo xisilooni daradiisuna sii kordheyso,” ayay tiri, “waxa uu ku waalanyahay aargoosi, waxaana harqiyay caro, ninkani wuxuu u taagan yahay awood aan xad lahayn”.

Haddii Trump uu noqdo madaxweyne, wuxuu diiradda saari doonaa “liiska cadawgiisa”, Harris ayaa tiri. “Si ka duwan Donald Trump, ma rumaysni in dadka aniga ikhilaafsan ay yihiin cadowgayga,”.

“Isagu wuxuu rabaa inuu xabsiga dhigo dadka, anna waxaan qorsheynayaa inaan miis la fariisto. Taasina waa sida laga rabo hogaanka dhabta ah,” ayay raacisay hadalkeeda.

Harris waxa ay sheegtay in haddii ay ku guulaysato doorashada madaxtinimo, ay bilaabi doonto in ay ka shaqeyso “liiska wax-qabadkeeda”, oo ay ku jirto cashuur dhimis loo sameeyay in ka badan 100 milyan oo Maraykan ah, mamnuucis heer federal ah oo ku aadan jaangooynta qiimaha qudaarta ee shirkadaha waawayn iyo hubinta in dadka Maraykanku ay awoodi karaan meel ay ku noolaadaan.

“Halka ugu sarreeya ee liiska wax qabadkeyga waa hoos u dhigista qiimaha waxyaalaha quutul-daruuriga ah,” ayay raacisay hadalkeeda. Dagaalka Gaza, Harris wuxuu ka tiri “dhamaanteen waxaan rabnaa in dagaalka Bariga Dhexe la joojiyo” iyo “in maxaabiista lagu soo celiyo guryahooda”.

Madaxweyne ku xigeenku waxa ay intaas ku ku dratay in haddii ay ku guulaysato doorashada madaxtooyada “waxaan samayn doonaa wax kasta oo aan awoodo si aan uga miro dhaliyo arimahaan”.

Xuquuqda ilmo soo rididda ayaa sidoo kale la soo hadal qaaday. Waxay u sheegtay dadkii isu soo baxay in doorashadani uga dhigan tahay “dagaal asaasi ah oo xorriyaddeed” si haweenku ay “xaq ugu yeeshaan inay go’aanno ka gaaraan jirkooda”.

Ad
Previous articleJilaaga caanka ah Harrison Ford oo taageeray Kamala Harris
Next articleMaxay tahay hanjabaada uu jeediyey hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran ee ku socota Israa’iil iyo Maraykanka?