Home Wararka Maanta Diyaaradihii Kuwajahnaa Baraawe oo la Joojiyay iyo Sababta Ku Danbaysa

Diyaaradihii Kuwajahnaa Baraawe oo la Joojiyay iyo Sababta Ku Danbaysa

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xayiraad la saaray dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalo xeebeedka Baraawe oo la filayo inay ka dhacdo doorashada golaha deegaanka degmadaasi.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in sababta loo hakiyay dhaq-dhaqaaqa ay tahay doorashada, wuxuuna tilmaamay in ciidamada ammaanka ay sugayaan ammaanka guud ee magaaladaasi.

“Doorashadii golaha deegaanka degmada Baraawe ayaa waqtigeeda la gaaray guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeenno ayay dooran doonaan, waxayna qayb ka tahay maamul daadajinta dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed” ayuu yiri wasiirku.

“Diyaaradaha waxay u hakadeen doorashada darteed, maadaama dadkii raaci lahaa ay howlahaas ku jiraan” ayuu yiri wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa farnay ciidamada in la adkeeyo amniga wadooyinka inta ay socoto doorashada, sidoo kalena la baaro dadka soo galaayo iyo kuwa baxaayo”.

Baraawe ayaa ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana ka howlgala ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda oo iska kaashada amnigeeda

Ad
Previous articleDowlada Turkiga oo Markale Heshiis Soomaalidu Ku FarxdayLa Saxiixday Dowlada Soomaaliya
Next articleAabe iyo wiil uu dhalay oo ku dhintay ceel biir ah oo ku yaala Wajeer