Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Canbaarayn Culus U Dirtay Israail lana Safatay….

Dowlada Soomaaliya oo Canbaarayn Culus U Dirtay Israail lana Safatay….

0

Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Israel iyo Iran oo haatan kasii daraya.

Bayaan culus oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyay weerarkii ay habeen hore Israel ku qaaday gudaha Iran, waxaana Soomaaliya ay sheegtay inuu ka hor imaanayo qawaaniinta iyo dhaqanka caalamiga ah.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay sii adkeyneyso mowqifkeeda ku aadan diidmada in lasii huriyo colaadda ka taagan bariga dhexe oo soo xoogeysaneyso.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaana beeninaysaa gardarrada Israa’iil ay saaka ku qaadday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, taas oo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda iyo xad-gudub ku ah qawaaniinta iyo dhaqanka caalamiga ah, waxayna Soomaaliya ku adkaysanaysaa mowqifkeeda adag ee ay ku diidan tahay sii hurinta colaadaha gobolka iyo sii ballaarinta colaadaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalalka gobolka iyo dadka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu xakameynayo xiisadda bariga dhexe ee dagaalka isku rogtay, si loo qaboojiyo.

Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ayay sidoo kale Soomaaliya ka dalbatay inay il gaar ah ku hayaan xaaladaha kasii daraya, si ay u qaataan mas’uuliyadda ka saaran.

“Soomaaliya ayaa dib u cusbooneysiisay codsigeeda beesha caalamka iyo golaha ammaanka si ay mas’uuliyadooda uga qaadaan joojinta dhaqamadan halista ku ah mustaqbalka gobolka, waxa ay sidoo kale carabka ku adkeysay in loo baahan yahay in la qaado tillaabooyin dhab ah oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo xasiloonida si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Soomaaliya.

Iran waxa ay sheegtay weerarkii Sabtidii lagu qaaday kadib in aysan jirin wax xad ah marka ay timaado difaaca dalkeedam si looga hortego weerarada uga Tel Aviv.

Ad
Previous articleIiraan oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay uga yimid Israail
Next articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo maantay Dib Uga Furmay Muqdisho Yaa Wali Maqan?