Home Wararka Maanta Iiraan oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay uga yimid Israail

Iiraan oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay uga yimid Israail

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa sheegay in aysan jirin wax xad ah marka ay timaado difaaca dalkiisa, maalin kaddib marki ay Isra’il duqeysay Iran Sabtidi shalay.

Isra’il waxay sheegtay in weerar xadidan oo ku bartilmaameedsatay saldhigto millatari oo ku yaalla Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay uga jawaabeysay, duqeymihi cuslaa ee Iran uga yimid 1-di bishan October.

Iran waxay xalay sheegtay, in duqeymihi Sabtidi ay kala kulantay Isra’il lagu dilay afar ka mid ah ciidankeeda milatariga.

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan kasoo baxay shalay galab ku sheegay, in Isra’il ay martay hawada Ciraq ka hor inta diyaaradaheeda dagaalka aysan duqeyn Tehran. Waxay ku eedeysay Mareykanka in uu raalli ka ahaa, maadaama bay yiraahdeen uu millatarigiisa kor ka maamulo hawada sare Ciraq, sida ay hadalka u dhigeen.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in lagu wargeliyay weerarka ay Isra’il ku qaadday Iran, ka hor inta aanan la fulin.

Ad
Previous articleGoormee Ayaa Shidaalka Laga Soo Saari Doonaa Xeebaha Magaalada Hobyo?
Next articleDowlada Soomaaliya oo Canbaarayn Culus U Dirtay Israail lana Safatay….