Home Wararka Maanta Puntland oo Diiday in Ciidamo Laga Soo qoro Deganadooda

Puntland oo Diiday in Ciidamo Laga Soo qoro Deganadooda

0

Maamul goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullahi Deni ayaa diiday qorshe ay dowladda Soomaaliya ku dooneysay inay ciidamo uga qorato deegaanada maamulkaasi, si ay uga howlgalaan halkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Puntland ay ka hortimid in ciidamo laga qoro deegaanadeeda, kuwaas oo kamid noqonayo Xoogga dalka, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo Daacish.

“Ciidanka qaranka ee loogu talagalay in deegaanada Puntland laga qoro waxaa diiday Puntland, iyada oo u diiday inay galaan ciidanka qaranka oo ay kamid noqdaan” ayu yiri.

Al-Cadaala ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland in ay siyaasadeeyeen arrimaha ciidamada, isaga oo ku dooday in ciidanka la qorayo ay yihiin qaybta 54-aad ee loogu talagalay inay ka howlgalaan deegaanadaas, si lamid ah guutooyinka Xoogga dalka ee jooga Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

“Hadda marka aan kula hadlaayo guutooyinkii loogu talagalay inay 54-aad ka howlgalaan deegaanadaas in maamulka Puntland uu hortaagan yahay oo sida 43-aad ay Kismaayo u joogto oo 60-aad ay Baydhaba u joogto ciidankii loogu talagalay Puntland inay ka howlgalaan waxaa hortagaan maamulka” ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenku.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta tabashada Puntland oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in la xallin doono cabasho kasta, balse loo baahan yahay in horay loo sii wado dowladnimada dalka.

Ma dhici doonto in qof Soomaaliyeed aan la tixgelin oo aan la dhageysan ma dhaceyso horay ayay Puntland go’aanno aan munaasab ahayn u qaadatay waa lala fariistay waa la xalliyay, maantana intii kama duwana, waana lala fariisanaa” ayuu yiri Al-Cadaala.

Si kastaba, arrintan ayaa uga sii dareyso xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxaana hakad galay wada shaqeyntii labada dhinac.

Ad
Previous articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu eedeeyay arrin yaab leh oo ka taagan HirShabelle
Next articleDr. Xasan Shiikh oo Gaaray Bali Doogle iyo Xaalada Safarkiisa