Home Wararka Maanta Qarax Culus oo loo Dhigay Ciidamada Dowlada Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Qarax Culus oo loo Dhigay Ciidamada Dowlada Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha a dhashay qarax maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha milatariga ayaa xaqiijiyay in askar ka tirsanaa ciidankooda ay waxyeelo soo gaartay, balse ay fashiliyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, ayna ku dhaawaceen saddex kale.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada dowladda lasoo wariyay inay howlgallo kooban ka sameeyeen aagga deegaanka Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Shabeelaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga xoreeyay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Ka Hadlay Qodobo Xasaasi
Next articleAlshabaab Badan oo lagu Laayay Galmudug