Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka Hadlay Qodobo Xasaasi

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka Hadlay Qodobo Xasaasi

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo maanta Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo ayaa ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in dekedda Hobyo ay fursad weyn u tahay shacabka deked la’aanta ah ee Itoobiya.

Waxay aheyd munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano, Wasiirro, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah oo lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo, kaas oo bilaaban doona 45 cisho kadib.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, Mahad Salaad iyo Liibaan Axmed oo ayaguna ah musharaxiin u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, heshiiskaan wuxuu ahaa mid si weyn loo daneynayo.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay in dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Qoor Qoor ayaa ku faanay in hormar badan uu gaarsiiyey Galmudug, sidoo kale wuxuu sheegay in reer Galmudug ay fursad u abuuri karaan wadamada deriska ah oo Itoobiya ay ugu horeyso, isagoo soo hadal qaaday khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Dekadda Hobyo kaliya faa’iido uma leh dadka reer Galmudug ee bulshooyin kale ayaa ku tiirsanaan doona, waa meesha ugu haboon gobolka oo dhan, waxay ka mid noqon doonta dekedaha ay ka faa’iideystaan shacabka Itoobiya, markii la xaliyo khilaafka hadda jira,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Ad
Previous articleAmb. James Swan oo warbixin u gudbiyay golaha ammaanka ee arrimaha Soomaaliya kana hadlay qodobo xasaasi ah.
Next articleQarax Culus oo loo Dhigay Ciidamada Dowlada Iyo Khasaaraha Ka Dhashay