Home Wararka Maanta Raysulwasaare Xamse oo Qodobo Xasaasi ah Kasoo Saaray Shirka Golaha Wadatashi Qaran

Raysulwasaare Xamse oo Qodobo Xasaasi ah Kasoo Saaray Shirka Golaha Wadatashi Qaran

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay qabtay shir jaraa’id oo deg deg ah ayaa ka warbixiyay shirka golaha wadatashiga qaran oo uu shaaciyay in weli uu socdo, xilli madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu dib ugu laabta Kismaayo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in madaxda shirka golaha wadatashiga qaran ka qeyb-gashay ay ku jiraan la-tashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, ayna soo saari doonaan go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee furmay 2-dii bishaan October weli wuu socdaa. Madaxda shirka ka qeyb gashay waxay ku jiraan latashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, marka latashiyadaas dhammaadaanna waxa la soo saari doonaa go’aanno iyo war-murtiyeed rasmi ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

“Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed. Waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan horu socodka, kuna taageeraan dowladda Soomaaliya in aan dib loo noqon oo laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo soo afjarista kooxda Al-Shabaab.

“Maanta meesha mareyno waa meel wanaagsan, waxaana naga go’an in aan hore u socono oo dalka horumarino. Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ku taageeraan dowladda Soomaaliyeed dagaalka Khawaarijta si aan dalkeenna ugu noolaano karaamo iyo xoriyad.”
Ad
Previous articleKhasaare ka dhashay weerar Xamaas ay ku qaaday Tel Aviv
Next articleGolaha Wasiirada oo Isugu Yimid Kulan aan Caadi ahayn Ansixiyayna….