Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo Laisugu Yeeray Kulan aan Caadi ahayn Kadib Bixitaankii Axmed...

Golaha Wasiirada oo Laisugu Yeeray Kulan aan Caadi ahayn Kadib Bixitaankii Axmed Madoobe

0

Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in caawa ay yeeshaan kulan aan caadi ahayn, kaas oo uu shir guddoomin doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay ogaatay Warbaahinta

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wargeliyay inay si buuxa uga soo qayb-galaan dhammaan xubnaha golaha wasiirada, maadaama uu yahay shir muhiim ah.

Farriin loo diray xubnaha golaha, isla-markaana ay aragtay Warbaahintu  ayaa waxaa lagu sheegay in shirka uu ka qabsoomayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla-markaana uu yahay shir aan caadi ahayn, ayadoo xubnaha laga dalbay inay soo wada xaadiraan.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono qodobo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in kulankan warbixino kala duwan looga dhageysan doono qaar kamid ah golaha wasiirada, sida wasiirka arrimaha dibadda oo faah-faahinayo shirarkii ugu dambeeyay uu kasoo qayb-galay iyo waxa u qabsoomay.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhankiisa warbixin xasaasi ah la wadaagi doono golaha Wasiirrada, taas oo uu uga hadli doono guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu qaaday kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada socda ee la xiriira mustaqbalka howlgalka ATMIS.

Golaha wasiirad ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaray awaamiir cusub oo la farayo inay la socdaan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, shirkan loogu yeeray golaha wasiirada ayaa kusoo aadayo, ayada oo xaalad siyaasadeed ay ka taagan tahay dalka, isla markaana uu fashil ku dhowyahay shirkii golaha watashiga qaran ee ka socday Villa Soomaaliya, maadaama uu ka baxay Axmed Madoobe.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMucaad Cabdullaahi Faarax oo Inta Si Xun loo Dilay Maydkiisa Wabiga Lagu Tuuray
Next articleKhasaare ka dhashay weerar Xamaas ay ku qaaday Tel Aviv