Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si arxan darro ah loogu dilay wiil yar oo 9 sanno jir ahaa.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mucaad Cabdullaahi Faarax, waxaana marka la dilay maydkiisa la raaciyay wabiga Shabelle ee dhex mara magaaladaasi.
Ehellada wiilka yar ayaa sheegay in maalmahaan uu ka maqnaa, balse ay maanta maydkiisa ka heleen wabiga dhexdiisa, isaga oo si arxan darro ah loo dilay.
Maydka Mucaad ayaa waxaa ka muuqday jirdil xoogan oo loo gaystay kahor inta aan la dilin, sidoo kale waxaa xarig looga xiray gacmaha iyo lugaha.
Ad