Home Wararka Maanta Shiikh Sharif Khayre iyo Cabdiraxman Cabdishakur oo La Saftay Axmed Madoobe

Shiikh Sharif Khayre iyo Cabdiraxman Cabdishakur oo La Saftay Axmed Madoobe

0

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si wadajir usoo saaray warsaxaafadeed ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran, ayaga oo ka digay in lagu dhawaaqo muddo kororsi horleh oo dalka ka abuuri xaalad jahwareer ah oo siyaasadeeed.

Saddexdan siyaasi oo si weyn uga soo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan uga digay inuu ku dhowaaqo muddo kororsi, waxayna shaaciyeen in aanay marnaba aqbali doonin.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha inuu ku marmar siyoonayo doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay muddo kororsi oo kaliya.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa ay Shariif Sheekh Axmed, Xassan Cali Kheyre iyo  Cabdiraxmaan Cabdishakuur boggaadiyeen talaabada uu qaadat madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kuna diiday qorshaha muddo kororsi.

Waxaa kale  oo ay ugu baaqeen Laftagareen, QoorQoor iyo Cali Guudlaawe in ay ka fiirsadaan tallaabada ay qaadayaan, si aysan qayb uga noqon muddo kororsiga.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Dib ugu labanaaya Kismaayo Xili Shirkii Golaha Natijo la’an ku dhamaaday
Next articleWar Deg Deg ah:Axmed Madoobe oo Ka Duulay Muqdisho Wacadna Ku Maray Inuuu…