Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay xoogga saaray howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku fidiyay dhul ballaaran oo laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa gaaray deegaano horleh oo u dhexeeyo magaalooyinka Afgooye iyo Marka, halkaas oo ay horay u joogeen xubnaha maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo iyo saldhigyo cusub ka sameysteen deegaannadaas oo dhaca xeebta, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.
Inta ay howlgallada socdeen waxaa sidoo kale ciidamada u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Al-Shabaab oo baaritaanno ay ku socdaan, sida ay shaaciyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda halkaasi.
Ujeedka ugu wayn ee howlgalladan ayaa ah sidii Al-Shabaab looga sifeyn lahaa aaggaas oo ay kasoo abaabulaan inta badan weerarada ay soo qaado kooxda.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.