Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran iyo Taagtaag Wali Ka Taagan

Wararkii Ugu Danbeeyey Shirka Golaha Wadatashi Qaran iyo Taagtaag Wali Ka Taagan

0

Shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa weli ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka taagan tahay caqabad xoogan oo sababtay in shirka uu sii dheeraado.

Wararka ayaa sheegaya in weli ay taagan tahay diidmada madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka horyimid qorshaha ay isku raaceen madaxda kale ee ah in dalka loo jiheeyso doorasho mideysan oo qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa taagan cabsi laga qabo in mar kale uusan maanta qabsoomin shirka, sababo ku aadan go’aanka Axmed Madoobe, maadaama aanu weli beddalin mowqifkiisa ku aadan muddo kororsiga ay Villa Soomaaliya ku dooneyso doorashooyin qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa markaan noqday falaago ka aragti duwan madaxda kale, wuxuuna diiday inuu saxiixo qorshaha lagu heshiiyey ee ku saabsan doorashooyinka dalka, isagoo la yimid aragti kale iyo shuruudo.

Axmed Madoobe ayaa ka fuqi diiday doorasho dadban, isagoo soo jeediyey in sanadkaan dowlad goboleedyada loo madax-baneeyo doorashooyinka, maadaama aan horay looga heshiin, muddo kororsina uu abuuri karo qalalaase siyaasadeed.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa xujo ka dhigay in arrinta doorashada go’aan looga gaaro shir ay goobjoog ka yihiin madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Khaatumo, si beesha Daarood ay door ugu yeelato miiska go’aanka looga gaarayo masiirka dalka.

Qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo xambaarsan muddo kororsi hal sano ah oo dowlad goboleedyada loo sameynayo waxaa wadata dowladda federaalka, waxaana ku qancay Guudlaawe, Laftagareen iyo Qoor Qoor, sida ay sheegeyso xogtii ugu dambeysay, balse Axmed Madoobe oo aaminsan in doorasho qof iyo cod ah uu ku bixi karo ayaa diidan.

Manata oo shirkaan uu gelayo maalinkii 5-aad waxaa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war-saxaafadeed, waxaase weli socda dadaalo lagu qancinayo Axmed Madoobe, si heshiiskaan uu qeyb uga noqdo, balse hadii uu diido waxaa suurtagal ah in waqtiga shirka uu sii dheeraado, maadaama madaxda dowladda federaalka ay ku adkeysanayaan go’aankaas.

Ad
Previous articleMid ka mid ah habeenadii ugu darnaa ee duqaynta Beirut
Next articleCiid Dowlada oo Dhul Balaaran Alshabaab Ka Saaray amaystayna Fariisimo Cusub