Home Wararka Maanta War Cusub oo Kasoo Kordhay Xariga Xildhibaan Abiib oo Wali Xabsi Sharci...

War Cusub oo Kasoo Kordhay Xariga Xildhibaan Abiib oo Wali Xabsi Sharci daraa ku Jira

0

Musharraxa Xisbiga Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada, wuxuuna ku booqday halka uu ku xiran yahay.

Cabdiraxmaan Cirro oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay xaaladda xildhibaanka, wuxuua sheegay inuu ugu tegay xabsiga wayn ee Mandheera.

“Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera  oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib” ayuu yiri musharraxa Wadani.

Cirro ayaa u ballan qaaday Maxamed Abiib inuu garab istaagi doono ka xisbi ahaan iyo musharrax ahaanba, si uu u hello cadaalad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la sameeyay dastuur jabin, isla markaana xarigga xildhibaanka ay ka xumaadeen guud ahaan ummadda reer Somaliland.

“Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay” ayuu markale yiri musharraxa Cirro.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ujeedka arrintan ka dameysa ay tahay in afka la qabto xildhibaan Maxamed Abiib oo uu u amaanay inuu yahay xildhibaan codkar ah, dulmidiid ah.

“Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Abiib oo muddo xiran ayaa xilliga la xirayay ka yimid dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, waxaana qabtay sirdoonka Somaliland oo kadib xabsiga u taxaabay.

Xildhibaan ayaa waxa ay is hayaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi , waxaana dhowaan xeer-ilaalinta Somaliland ay ka gudbisay dacwad ku aadan maamuus ka xayuubin, si loo wajaho eedeymo loo soo jeediyay, balse waxaa taas diiday Golaha Wakiilada Somaliland.

Ad
Previous articleDiyaarad Maantay ka dagi Lahayd Garoonka Caabudwaaq oo Cabsi Darteed La Baajiyay