Home Wararka Maanta Miski Xasan Dhicisow oo Maantay Dalka Dibidiisa U Safraysay Balse Qarixii...

Miski Xasan Dhicisow oo Maantay Dalka Dibidiisa U Safraysay Balse Qarixii Shalay Ku geeriyootay

0

Miski Xasan Dhicisow oo aheyd gabadha Taliyaha qeybta guud ee Booliska HirShabeelle iyo saaxiibteed Foos ayaa maanta kamid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxii ay Shabaab ka geysteen Muqdisho, gaar ahaan dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.

Miski iyo Foos waxaa halkaas ku celisay qadarta Alle, waxaana sidii ay u geeriyoodeen ka warbixiyey wiilal ay qaraabo ahaayeen oo la socday gabdhahaas.

Waxay ahaayeen koox dhalinyaro ah oo wadatay hal gaari, waxay istaageen banaanka maqaayadda Geeldoox oo ku taalla dhabarka dambe ee Guriga weyn ee Hooyooyinka, waxaana gaariga ka degay wiilashii oo maqaayadda qado u doontay.

Wiilashii oo hadda nool, kana badbaaday qaraxaas ayaa ka sheekeeyey qisadaan xanuunka badan, waxayna sheegeen in labada gabdhood ay diideen inay maqaayadda u raacaan oo lasoo qadeeyaan, waxayna ku hareen gaariga oo taagnaa banaanka maqaayadda, wadada dhinaceeda.
Ad
Previous articleMooshin Ka dhan ah Wasiir Fiqi Iyo Waxa Lagu Haysto ee Uu Sameeyey
Next articleXasan Shiikh oo ku Dhawaaqay in Itoobiya Xoog ku Qabsatay Gobalka….