Home Wararka Maanta Mooshin Ka dhan ah Wasiir Fiqi Iyo Waxa Lagu Haysto ee Uu...

Mooshin Ka dhan ah Wasiir Fiqi Iyo Waxa Lagu Haysto ee Uu Sameeyey

0

Mooshinka ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi waxyaabaha sida dhabta ah ka dambeeya tallaabadan waxaa kamid ah inuu adkeeyay;

1- Habraaca lagu qaato Baasboorka Diblomaasiga ah iyo kan Shaqaalaha. Waa tallaabo bogaadin mudan oo uu kaga saxsan yahay Xildhibaannada.

2- Habraaca lagu dalbo Dal-ku-galka Yurub iyo Ameerika oo ay Xildhibaannada qaar ku dhoofiyeen tahriibayaal ay ku jiraan eheladooda. Tallaabadan waxaa sidoo kale qeyb ka ah qaar kamid ah Guddoonka Barlamaanka oo caddeymo buuxdo laga hayo dadkii ay dhoofiyeen.

4- Kala wareejinta diblomaasiyiinta oo ay qaarkood hal shaqo hayeen 10 sano ka badan hal dal taasoo culeys ku abuurtay diblomaasiyiin deegaan rasmi ah ka dhigtay dalalkii loo diray, qaarkoodna ku milmeen dalalkii la geeyay.

Dhammaan tallaabooyinkaas waa in Wasiir Fiqi lagu bogaadiyaa, laguna garabsiiyaa si Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u gudato waajibaadka ka saaran horumarinta iyo kobcinta diblomaasiyadda dalka ee fagaarayaasha caalamka.

Ad
Previous articleNuxurka Khudbadii Ra’iisul Wasaare Hamza uu ka jeediyay Shirweynaha 79-aad ee Qaramada Midoobay (UNGA79
Next articleMiski Xasan Dhicisow oo Maantay Dalka Dibidiisa U Safraysay Balse Qarixii Shalay Ku geeriyootay