Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Qarax Culus oo ka Dhacay Muqdisho iyo Dhimasho...

War Deg Deg ah: Qarax Culus oo ka Dhacay Muqdisho iyo Dhimasho Badan oo ka Dhalatay

0

Qarax Aad u Culus ayaa Mar Qura Salaadii Duhur laga Maqlay Magaalada Muqdisho Qaraxaan oo ahaa Gaari Saaruf ah oo Laga Soo Buuxiyay Wax Yabaha Qarxa ayaa Ku Qarax Degmada Xamar Wayne.

Qaraxaan Ayaa Si Gaar ah uga Dhacay dhbarka Danbe ee Guriga Hooyooyinka meel Wada ah oo muhiim ah Xiligaasna Aad Mashquul u ahayd .

Halka Qaraxu uu ka Dhacay ayaa Waxaa Jiray Mashquul aad u badan Waxaana Lagu Iibin jiray Qaadka Iyo Sidoo kale Maqayado iyo Goobo Ganacsi oo Kale.

Muqaalo lasoo Duubay ayaa Mujinaayay maydad iyo Dhaawacyo Badan oo Is Dhex Daadsan Taas oo Muujinaysa Khasaaraha Culus ee Qarax Gaystay.

Qarax ayaana Ahaa Gaari Meesha La Dhigay Kadibna Meel kale laga Hagaayay.

Ciidamada Amaanka ayaana Durbadiiba Xiray Halka Qaruxu uu ka dhacay Kuwaas oo Dad Waynaha Udiiday inay Tagaan Halka ay wax ka dhaceen.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weeraray Magaalada iyo Jawaab laga Bixiyay
Next articleWar Deg Deg ah: Geerida Xasan nasrullaahi oo lagu Dhawaaqay