Home Wararka Maanta Waa tuma gabadha Soomaali Mareykanka ah ee markii ugu horreysay ka mid...

Waa tuma gabadha Soomaali Mareykanka ah ee markii ugu horreysay ka mid noqotay booliska Minneapolis?

0

Ikraan Maxamed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee Soomaali Mareykan ah, oo iyadoo xijaaban booliska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. ka mid noqota. Ikraan ayaa loo dhaariyay ku soo biiristeeda ciidamada, iyadoo shalay xaflad loo qabtay ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Taliyaha Booliska Minneapolis iyo duqa magaalada.

Ikraan ayaa sheegtay in muddo badan ay ku hamineysay in ay heerka ay hadda joogto soo gaarto, iyadoo intaa ku dartay in soo gaarista halkaan ay u soo martay waddo aan sahlaneyn.

Waxey hadalkeeda sii raacisay in ay dooneyso in ay gabdho badan u noqoto qof ay ku da’daan.

“Tani waa waxa aan doonayay inaan sameeyo, si aan tusaale ugu noqdo hablaha aniga ila midka ah”. ayay tiri Ikraan oo ka hadlaysay xafladd ka dhacday xarunta Indian American Center ee Minneapolis.

Ikraan oo ah gabar Xijaaban ayaa waxaa si diirran ku biiristeeda booliska u soo dhaweyay dadweynaha Muslimiinta ah gaarahaan Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis oo u arka horumar u soo kordhay ka bulsho ahaan.

Booliska waxaa uu qabtaa adeegyo badan oo muhiim u ah bulshada sida ilaalinta amniga, faridda sharciga iyo u gurmashada mararka ay dhacaan xaalado degdeg ahi.

Ikraan Maxamed iyo saraakiisha kale ee cusub ayaa maanta oo jimco ah waddooyinka usoo bixi doona si ay u bilaabaan 10 todobaad oo ah tababar dhanka shaqada ah, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamisa booliska Minneapolis.

Taliyaha ciidamada booliska ah ee Minneapolis Brian O’Hara oo isaguna hadlay ayaa sheegay ku biirista Ikraan iyo kooxdeeda ee ciidamada ay kor u qaadayso wada shaqaynta bulshada ay la leeyihiin.

Ikraan ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay booliska ka mid noqta, waxeyna tilmaantay in ay ka go’antahay ilaalinta bulshada iyo u shaqeyntooda.

Waa tuma Ikraan Maxamed?

Ikraan Maxamed oo 23 jir ah waxa ay Maraykanka tagtay iyadoo 10 jir ah, waxaana ay ka hayaantay xilligaas dalka Kenya, iyadoo ku qaadatay dhawr iyo toban sano magaalada Faribault ee gobolka Minnesota.

Intii ay halkaa ku nooleed waxay la shaqeynaysay ciidamada asluubta ka hor intaysan ka mid noqon booliska Minneapolis.

Waxay sheegtay in waxbarashadeeda dhanka arrimaha booliska ay wadday 16-ka toddobaad oo ay u ahayd mid adag, balse waxay ku dhiirigelisay haweenka kale ee da’da yar inay ku dadaalaan waxa ay rabaan in ay noqdaan.

Qadra Maxamed, oo 22 jir ah ayaa 2015-kii bishii May shaqaale ka noqotay, qeybta booliska ee Magaalada St. Paul ee gobolk Minnesota. Gabadhaan Soomaali Mareykanka ah ayaa loo oggolaaday xilligaas inay shaqadeeda gudato iyadoo xijaaban.

Dadka arrimahaan falanqeeya ayaa tilmaamaya in gabdhaha Soomaali Mareykanka ah ee ku biira booliska iyo waaxaha muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay tahay arrin dhiiro galinaysa dad badan oo dumarku u badanyihiin isla markaana ay muujinayso in Soomaalidu ay ku tallaabasanayaan horumarro ay ka gaarayaan dhinacyo kala duwan

Ad
Previous articleMaxaa keena xanuunka faaligga oo kusoo badanaya qaar ka mid ah dadka Muqdisho?
Next articleDagaal Xalay Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada Ku dhexmaray Muqdisho