Home Wararka Maanta Jabuuti oo ka hadashay Rabshado ka dhacay caasimada jabuuti

Jabuuti oo ka hadashay Rabshado ka dhacay caasimada jabuuti

0

Dowlada Jabuuti ayaa si adag uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jibuuti kuwas oo u dhexeeyay Qoomiyadaha wada daga Jabuuti oo ah Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshadahaas kuwa kalana ku dhaawacmeen inkasta oo aan ilaa iyo hadda la caddeyn tirada dadka ku dhintay isku dhacyadaas.

Sidoo kale waxaa rabshadahan lagu gubay guryo iyadoo booliska iyo ciidamada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jibuuti ay dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryeen suntan dadka ilmada ka keenta.

Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlayayaya ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah casaimadda isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jibuuti.

Wuxuu sheegay in arrin halis ah ay ka dhacday Jibuuti kadib markii dadku ay gubeen Aqallo dda shacab ah ay lahaayen.

Rabshadaha ka dhacay caasimada dalka Jabuuti ayaa waxaa uu salka ku hayaa dagaal maalmahan ka dhacay duleedka degmada Garba-ciise ee dalka Itoobiya, kaas oo u dheexeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleTaliye xijaar oo digniin soo saaray amarna ku bixiyay in La baaro Ergada iyo Musharaxiinta xildhibaanada doonaya
Next articleDoorashada Konfur galbeed oo Maanta bilaabanaysa