Home Wararka Maanta Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si yaab leh uga hadlay...

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo si yaab leh uga hadlay masiirka Soomaalida deegaanka

0

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa si yaab leh uga hadlay masiirka Soomaalida deegaanka iyo jahwareer uu sheegay in looga dan leeyahay suura-xumeynta xukuumadda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ganafka ku dhuftay doodda sheegaysa in Soomaalida dowlad deegaanka aysan aheyn Itoobiya, “shacabka deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali, waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan,” ayuu Mustafe Cagjar ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii ku nool dowlad deegaanka Soomaalida ee yiraahda Itoobiya kama tirsanina uu jahwareersan yahay, maadaama shacabka deegaanka iyagoo Soomaali ah ay haddana kamid yihiin dalka Itoobiya, sida uu sheegay.

Hoos ka aqriso qoraalka

Inkasta oo sawaxan iyo jaahwareerin badan oo looga goleeyahay suuraxumeeynta Xukuumadda Isbadalka ee DDS iyo u xilqarinta nidaamkii dad-qalatadda ahaa ee ay badashay uu si joogta ah isaga socdo, hadana waxaan muran ku jirin in maanta Deegaanka Soomaalida uuna jirin qof lagu qasbo inuu ku hadlo wax uuna raali ka ahayn.

Waxaa hubaal ah in afkaaro kala duwan oo qaarkood lid isku yihiin lagaga dhawaaqo magaaladda Jigjiga dhexdeeda, oo Xorriyadda hadalku ay taaba-gashay.

Mar hadii la yidhaa aan doodno oo si xor ah u hadalno, iyana waxaa meesha taal in dood toosan iyo tu deel-qaaf ku jiro labaduba imanayaan. Waxaa haboon in tii sax loo arkana la taageero, tii qalad loo arkana la naqdiyo. Hadal kasta oo la yidhaana lagala xisaabtamo cidii ku hadashay ee aan wadar dhan lagu weerarin hadal qof ka qaloocday.

Shacabka Deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali. Waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan. Ciidii tidhaa Soomaali manihina way qaldan tahay; cidii tidhaa Itoobiya kama tirsannina way jaahwareersan tahay.

Shacabka DDS, Shacabka Soomaaliyeed ee kale meel kasta oo uu ku nool yahay waxay u hayaan wanaag iyo abaal.

Si guud, Odayaasha Deegaanku waxay ka hadleen waa xaqiiqdaas jirta. Waxaa kale oo ay ka hadleen in nabad iyo nolol ay rabaan oo ayna diyaar u ahayn cid kasta oo carqaladeeynaysa amniga Deegankooda.

Nuxurka hadalkoodu wuxuu ahaa in cid kale ayna wakiil ka noqon karin masiirka iyo danaha shacabkooda.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo Go,aan kharaar ka Qaadatay Laftagareen
Next articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Culus Ku Furaaya Labadaan Magaalo oo Alshabaab kala jareen