Home Wararka Maanta Waa Sidee Xaalada Maantay goobihii Galmudug oo ee Shalay Dagaalada Qaarar ka...

Waa Sidee Xaalada Maantay goobihii Galmudug oo ee Shalay Dagaalada Qaarar ka Dhaceen?

0

Shalay ilaa xalay dagaal ka dhacay deeganka Bali-seenyone ee waqooyiga Galgaduud waxaa ku dhintay kudhawad 10 ruux halka ay ku dhaawacman dad kudhow 20 qof

Labo maleeshiyo beeleed oo kasoo gala jeeda Cadaado iyo Caabudwaq oo dagaalku dhexmaray ayaa manta isku horfadhiya halkii lagu dagaalamay

Si joogto ah Galmudug waxaa uga dhaca dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil waxaana dhowrkii sano oo lasoo dhaafay ku naf waayay boqolal qof

Maamulka uu hogaamiye madaxweyne Qoorqoor ayaa ku guuldareystay xakameynta dagaal beeleedyada iyo dilalka aanooyinka qabiilka kuwaas oo ah caqabada uga weyn ee haatan ka jirta Galmudug

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Qoorqoor xili aan fogeyn uu Balanballe ka sheegay inuu ku faraxsan yahay hubkii dhawan u gacan galay beesha degta degmada Caabudwaq

Dad badan ayaa qaba in hubkaasi uu sii hurin doono dagaal beeleedyada kajira Galmudug

Ad
Previous articleCabdiraxman Cabdishakuur” Ka hortagga damaca Itoobiya waa masuuliyad dowladeed ee ma aha mid beeleed”
Next articleMaxaadan ogayn oo Xalay ka Dhacay Degmada Xarardheere?