Home Wararka Somaliya Galmudug Beesha Sacad oo go,aano Xasaasi ah Soo Saaray Qoor Qoorna Baaq Adag...

Beesha Sacad oo go,aano Xasaasi ah Soo Saaray Qoor Qoorna Baaq Adag U diray

0

Shirweynaha aaya ka tashiga beesha Sacad ee dagta Mudug iyo Galgaduud oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah, oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo qeyb ka tahay doorashada maamulka Galmudug.

Shirka oo ay ka qeyb ka ahaayeen waxgaradka, odayaal dhaqameedka beesha, ganacsato, siyaasiyiin iyo xildhibaannada labada aqal ee DFS iyo kuwa Galmudug ayaa waxaa looga arrinsanayay xaaladdaha ka jira dalka iyo deegaannada beeshu dagto, iyadoo si gaar ah loo gorfeeyay dadaallada nabadeynta ee socda, iskacaabinta duullaanka Shabaab iyo tabashooyin ka dhashay siyaasadda maamulka Galmudug.

Shirka oo ay kasoo baxeen go’aanno culus ayaa loogu baaqay beelaha dega Galmudug in ay iska wareystaan xaaladda amni, tan siyaasadeed iyo midda horumarineed ee ka jirta deegaanadda si loo badbaadiyo Galmudug, isla markaana loo yagleelo nidaam doorasho oo looga gudbo jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Galmudug.

Go’aanadda kasoo baxay shirka oo dhowr qodob ah ayaa u dhignaa sidan;

1. Shirku wuxuu cambaaraynayaa hadalada khiyaanada qaran ah ee kasoo yeeray qaar ka mid ah xildhibaanada federaalka ll ay ku taageereen cadowga ummadda Soomaliyeed ee Ethiopa, isla markaana uga horyimaadeen heshiiskii taariikhiga ahaa ee dowladda shexe la gashay dalka Masar ee aannu walaalaha nahay. Shirka ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqaya in ay u middoobaan difaaca iyo madaxbannaanida dalkooda.

2. Shirka wuxuu xaqiijiyay madaxbannaanida dawladda Soomaaliya, kuna tilmaamay heshiisyada iyo iskaashiga dalalka kale kuwa xoojinaya wadajirka dalka iyo dadka.

3. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa maamulka Galmudug inuu ka fogaado wax walba oo keeni kara deggenaansho la’aan iyo kala qaybin bulsho, taas oo dhaawici karta xasilloonida deegaanka, wiiqi karta dagaalka lagula jiro argagixisada, burburinna karta waanwaanta laga dhex wado beelaha colaaddu kala irdheysay.

4. Maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii maamulka Galmudug, Shirku wuxuu ugu baaqayaa madaxda dawladda Dhexe in ay hirgaliso doorashooyin madaxbanaan oo xor ah si meesha looga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo maamuladda la midka ah.

6. Shirka wuxuu ugu baaqayaa beelwaynta Sacad in la xoojiyo xirlirka wanaagsan ee kala dhexeeya beelaha Galmudug iyo Soomaalida kale, loona guntado sidii Galmudug loogu soo dabaali lahaa heshiisiin, isfaham iyo kalsooni deegaanka u noqota dhaxalgal.

7. Shirku wuxuu qorsheeyay diyaarinta gogol looga arrinsanayo aayaha beelwaynta Sacad oo ka dhici doonta magaalada Gaalkacyo.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Xildhibaan Abiib oo lagu Xiray Hargaysa iyo Xiisad Taagan
Next articleSababta Keentay Kala Taga Farmaajo iyo Fahad Halkaan ka Ogoow