Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa cadeeyey inay siyaasada ku kalatageen Madaxweynihii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
La-taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, iyo agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ku dhowaaqay in ay dhammaatay wada-shaqeyntaa siyaasadeed ee kala dhaxeysay madaxweyne Farmaajo.
Fahad ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri “Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”
Ad