Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Baladxaawo

Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Baladxaawo

0

Warrarka laga helayo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in labo qarax oo saaka ka dhacay suuqa la yiraahdo Farjano ee magaalada ay ku dhaawacmeen illa 5 qof, sida uu BBC-da u sheegay weriye jooga magaalada.

Labo kamid ah dadka waxyeelladu soo gaaray oo dhaawacoodu cuslaa ayaa loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada xuduudda Kenya ku taala ee Mandheera.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda labada qarax oo u muuqday kuwo la dhigay maqaayad laga shaaho, waxaase qaraxyada noocan ah lagu yaqaanaa kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro isna wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo lagu faahfaahinayo sida ay waxa uga dhaceen suuqa.

Ad
Previous articleMasar oo ashtako kale oo ka dhanna Itoobiya u gudbinaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Next articleMidkamid ah Xildhibaanadii Shalay Taageeray Itoobiya oo Maantay Ka Laabtay