Home Wararka Maanta Masar oo ashtako kale oo ka dhanna Itoobiya u gudbinaysa Golaha Ammaanka...

Masar oo ashtako kale oo ka dhanna Itoobiya u gudbinaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0

Wasiirka Arimaha Dibadda wadanka Masar Dr. Badr Abdelatty ayaa u ambabaxay magaalada New York si uu khudbad uga hor jeediyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka ashtakoonaya hadalladii ugu dambeeyay ee uu ka jeediyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abi Axmed, arinta labada dal ku muran san yihiin ee webiga Nile.

Wasiirka ayaa ku gacan sayrey go’aannada kali qaadashada ah ee Itoobiya ku dhaqaaqday ee baal marsan xeerrarka iyo shuruucda caalamiga ah, kana hor imaanaya heshiisyadii horey arintan looga galay ee dhexmaray Masar, Suudaan iyo Itoobiya sanad kii 2015, waa sida lagu qoray bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Masar.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Masar si buuxda u diidan tahay hadal kii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Abi Axmed ee ku saabsanaa in sanad kan qayb ahaan la buuxin doono biyo xireenka ay ka sameysay webiga Nile, waxayna ku tilmaantay mid aan sinnaba loo aqbali karin.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri hadallada kicinta ah ee Itoobiya darsikeeda kula dhaqmayso waxa uu khatar ku yahay amniga gobolka.

Xiisadda gobolka, gaar ahaan tan u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ayaa meel sare gaartay kaddib markii todobaad kii hore uu Abi Axmed sheegay in sanad kan qayb ahaan ay buuxin doonaan biyo xireenka ay ka dhisayaan webiga Nile, iyo taageerrada Masar siineyso Dawladda Soomaaliya oo iyana waayahan xurguf kala dhaxeysay Itoobiya kaddib markii horraan tii sanad kan ay is af-garad la saxiixatay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Magaalada Baydhabo
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Baladxaawo