Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Alshabaab oo qaraxyo Ku Burburiyay Suuqii Tabeelaga Shiikh...

War Deg Deg ah: Alshabaab oo qaraxyo Ku Burburiyay Suuqii Tabeelaga Shiikh Ibraahim

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo saaka laga maqlay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, kaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa gilgilay Tabeelaha, waxaana xigtay gubashada suuq wayn oo ku yaalla halkaas oo uu dab xoogan qabsaday, kadib qaraxyada lala eegtay.

Suuqaan oo aad u camirnaa, isla-markaana hanti badan ay dhextiilay ayaa lasoo wariyay in dhammaantii uu dhulka dhigay dabka qabsaday, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu xiray Caamirooyinka qarsoon ee CC TV.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu howlanyahay daminta dabka ka kacay suuqaan oo ah mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo isna ahaa qaraxyo lala eegtay goobo ganacsi oo gebi ahaanba gubtay.

Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanada u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Ad
Previous articleLaftagareen oo lagu eedeeyey Qiyaano Qaran kadib Wixio Shalay ka Dhacay koonfurgalbeed
Next articleNinkii ajnabiga ahaa ee 12.5 Milyan ka Dhacay Dowlada Soomaaliya oo La Fasaxay