Home Wararka Maanta Maamulka Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada milateri ee dawladda Masar...

Maamulka Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada milateri ee dawladda Masar ay u fidisay Dowladda Soomaaliya,

0

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga hortimid taageerada milateri ee dawladda Masar ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoo tallaabadaas ku macneeyey inay tahay mid halis ku ah xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ayaa looga digay taageerada milateri ee Masar, taas bedelkeedana waxay Masar u soo jeediyeen in ay Qaza taageero uga baahan tahay.

“Golaha wasiirradu waxa uu si adag uga digayaa xoogaga shisheeye ee meelaha fog-fog looga soo daabulayo gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin ciidamada Masaaridu ku soo daabulayso Muqdisho,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Ciidamada Masar waxaa Muqdisho uga baahi badan Qaza oo u baahan gurmad walaalnimo, maadaama ay deris la tahay, isla markaana ay heystaan darxumo, colaado iyo macaluul daran.”

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dooday in taageerada milateri ee Masaaridu inaanay wax weyn u soo kordhinayn Soomaaliya, balse ay jiraan dano gaar ah oo ay Masaaridu arrintan ka leeyihiin.

War-Saxaafadeed kale oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland ayaa isna lagu muujiyey dareenka Somaliland, iyaga oo beesha caalamkana ugu baaqay inay arrintan cambaareeyaan, kana horyimaadaan.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in tallaabada ay qaaday Masar inay halis ku tahay amniga gobolka oo saamaynaya Somaliland, taas bedelkeedana aanay daawade ka noqonaynin.

Dawladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u gaaray heshiis difaac iyo mid amni, waxaana tallaabadaasi ay dhashay, in Masar ay Soomaaliya soo gaarsiiso taageeradii milateri ee ugu horraysay muddo 40 sanadood ah kadib.

Masar ayaa danaynaysa inay qayb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta ee bedeli doona hawlgalka haatan socda ee ATMIS, halka Itoobiya ay noqon doonto dalka kaliya ee la bixi doona dhamaan ciidankiisa ku jira ATMIS.

Ad
Previous articleCabdiqani Daahir Shire oo Fal Dadka Muqdisho ka Caroodeen Sameeyey oo lasoo Qabtay
Next articleLaftagareen oo lagu eedeeyey Qiyaano Qaran kadib Wixio Shalay ka Dhacay koonfurgalbeed