Home Wararka Somaliya Galmudug Wasiir Fiqi oo Ka Hadlay Garab Istaagii Beesha Sacad ee Qabashadii Xaraedheere

Wasiir Fiqi oo Ka Hadlay Garab Istaagii Beesha Sacad ee Qabashadii Xaraedheere

0

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa xalay Boggiisa Facebook ku daabacay Qoraalkaan uu kaga hadlayay Gurmadkii Sacad ee Sanad ka hor uu Xarardheere geeyay Xili Xaaladdu adkayd.

Gurmadkaas ayaa ka koobnaa Ciidan iyo Gaadiid Dagaal, taas oo uu hogaaminayay Wasiirka oo xiligaas ahaa wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaan C/raxmaan Cagaweyne, Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/nasir Mareexaan, G/dhexe Sheikh Salaad Saciid Taliyihii Saldhigga Hobyo, gurmadkaas waxaa laga diray degmada Wisil.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku bilaabay.

“Sanad ka hor caaway oo kale, habeen xaalad gaar ah ay ku sugnaayeen reer Xarardheere, dadku wadnaha farta ay ku hayeen, ayna laba jiho midkood in looga yimaado u dareen hayeen waa dhanka Bari oo gurmad dawladeed iyo mid walaal ay ka sugayeen ama Dhanka Galbeed oo guluf Cadowga Khawaariijta ah laga filanayey.

Waxaan habeenka sidaas ah abaaro 09:30 pm habeenimo gurmad ugu tagnay reer Xaradheere amar madaxweynaha Jamhuuriyadda ka soo baxay annagoo ka soo dhaqaaqnay magaalada Wisil oo aan u joognay cadowga Khawaarijta dirirtiisa.

Ilaahay fadligii waxaan ku sugnayn halkaas muddo bil ah, Reer Xarardheerena waxay inoo soo dhoweeyeen si heer sarreeya, walaaltinimo ah, waxayna muujiyeen dhabar adayg, geesinimo iyo isku duubnaan sabab u noqotey in ay tusaale fiican u noqdaan degmooyinkii Khawaarijta laga xoreeyey, maantana Xarardheere ay tahay meel dadkeedu si sharfan ku nool yihiin.

Waxaan dhiiragalinayaa wadadaas in aan laga leexan, lana xususnaado in Khawaarijtuna ay weli u soo hanqaltaagayso Xarardheere”.

Waxaa xusid mudan in xiligaas ay Xarardheere qarka u saarnayd in laga baxo, kadib markii Ciidamadii Dowlada ay ka baxeen Ceeldheer, Masagawaa, Galcad iyo Run-nirgood, kadib dagaalkii Cowsweyne oo ciidanka dowladda qasaare kasoo gaaray. Waqtigaas majirin gurmad ay meel kale ka sugayeen Ciidamada Xaq udirirka iyo kuwa dowladda ee Xarardheere joogay.

Ad
Previous articleBanaanbax lagu Taageraayo Itoobiya oo Ka Dhacay Koonfurgalbeed
Next articleCeerigaabo Dad Hor leh Xalay ilaa Maantay lagu Laayay