Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo si adag uga hor timid codsiga Kenya u gudbisay...

Dowlada Soomaaliya oo si adag uga hor timid codsiga Kenya u gudbisay Maxkamada ICJ

0

Dowlada Kenya ayaa markii afaraad maxkamada caalamiga ee ICJ u gudbisay codsi ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhageysiga dacwada badda ee kala dhaxeeysa Dowlada Soomaaliya oo loo balansanaa 15-ka bisha soo socora ee March.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Kenya mar kale u gudbisay Maxkamadda ICJ in dib loo dhigo kiiska badda  iyaga oo abuuraya mar marsiiyo been ah.

Waxa uu sheegay Dubbe in Dowladda Soomaaliya aysan aqbaleyn in mar kale dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda ee kala dhaxeeya Kenya, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho dacwadda badda oo marar badan dib loo dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay dhowr jeer kiiska Badda codsatay in dib loo dhigo, waxaana uu ku eedeeyay in aysan dooneyn in kiiskaas la qaado ayna dooneyn inay cadaaladda hortagaan iyaga oo mar marsiiyo mar waliba abuurayaan.

Sidoo kale Wasiirka waxa uu sheegay in Kenya si ay mar marsiiyo ugu hesho ay dhamaan shaqadii ka ceyrisay qareenadii u doodayay, waxaana uu markale ku celiyay in Dowladda  Soomaaliya uu go’ankeedu yahay in kiiskaasi la qaado waqtigii Maxkamadda iclaamisay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida  inay hal meel uga soo wada jeestaan cadowga Soomaaliya una diyaar garoobaan difaaca dalka

Maxkamadda caalamiga ee ICJ  ayaa sadex mar oo hore dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kadib markii Xukuumada Nairobi ka codsatay in dib loo dhigo iyaga oo rajo ka qaba in wadahadal lagu dhameeyo muranka badda.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleKenya oo Codsi cusub u dirtay Maxkamada ICJ xili Cabdiqawi Axmed la bedelay
Next articleDowlada Somaliya oo war kasoo saartay in Shirka laga badalo Garoowe