Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay in Shirka laga badalo Garoowe

Dowlada Somaliya oo war kasoo saartay in Shirka laga badalo Garoowe

0

Wasiirka warfaafinta Somalia ayaa mar kale ku celiyay in la isugu yimaado Garoowe, iyadoo la tixraacayo Shirka uu Madaxwayne Farmaajo iclaamiyay inuu halkaas ka dhacayo 15-ka Bishan.

Waxaa uu intaas ku daray in ujeedada shirka ay tahay sidii loo ambaqaadi lahaa, loona dhameystiri lahaa heshiiska 17-kii Septembar ay Muqdisho ku saxiixeen madaxda DF iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Waxaa soo baxaya hadalo aanan fileynin oo ah in la bedelo goobtii uu Madaxweynuhu ku baaqay in shirka ee magaalada Garowe oo runtii ah magaalo Nabadeed oo ku caan baxday marti soorka” ayuu yiri Dubbe.

Waxaa uu u xusay in madaxda DF ay mar walba diyaar u ahaayeen in dalku ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay, isagoo taas daliil uga dhigay tanaasulaadka faraha badan ee madaxda DF sameeyeen.

Dhinaca kale, Wasiir Dubbe ayaa soo dhoweeyey baaqii Golaha amaanka ee QM ee ahaa in la qabto shirar kale oo lagu xaliyo khilaafka doorashada, isagoo madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay ineysan ka caga jiidin shirarka lagu xalinayo xaaladaha siyaasadeed ee ka jira dalka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo si adag uga hor timid codsiga Kenya u gudbisay Maxkamada ICJ
Next articlePuntland oo war kasoo saartay Go’anka Cusub ee Dowlada in Shirka Garoowe lagu qabto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here