Home Wararka Somaliya Kenya oo Codsi cusub u dirtay Maxkamada ICJ xili Cabdiqawi Axmed la...

Kenya oo Codsi cusub u dirtay Maxkamada ICJ xili Cabdiqawi Axmed la bedelay

0

Warbaahinta dalka Kenya kuwooda ugu afka dheer ayaa baahiyay in dowlada Kenya mar kale ka codsatay Maxkamada caalamiga ee ICJ in dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa sadex mar oo hore dib loo dhigay kadib markii dowlada Kenya sidaasi codsatay, lamana oga in Maxkamada caalamiga mar kale aqbali doonto codsigan cusub ee Kenya u gudbisay.

Maxkamada caalamiga ee ICJ ayaa horey u go’aamisay in 15-ka bisha soo socota ee Maarso la dhageesto kiiska dacwada badda u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo mudo sanado ah soo jiitamayay.

Dowlada Kenya ayaana wali ka quusan in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya laga soo celiyo maxkamada caalamiga laguna xaliyo wadahadal, waxaana taas marar badan ka biyo diiday dowlada Soomaaliya.

Codsigan cusub ee Kenya ku dooneyso in dib loo dhigo dhageysioga dacwada badda ee kala dhaxeeya Somaaliya ayaa kusoo aadaya xili Cabdiqawi Axmed laga bedelay Madaxweynaha ICJ , waxa uuna wali kamid yahay Cabdiqawi 9-ka garsoore ee maxkamada ICJ.

Ad
Previous articleSawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland oo booqasho ku yimid Qeybta Galmudug
Next articleDowlada Soomaaliya oo si adag uga hor timid codsiga Kenya u gudbisay Maxkamada ICJ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here