Home Wararka Maanta Xuutiyiinta oo Gantaal Ku Dhuftay Markab Maraayay Badda Cas Kadibna Gubtay

Xuutiyiinta oo Gantaal Ku Dhuftay Markab Maraayay Badda Cas Kadibna Gubtay

0

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xuutiyiinta weerareen todobaadki hore.

Markabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska holgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegau, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’aadannimada iyo deegaanka ay Ansarullah oo ay ula jeedaan Xuutiyiinta aqbashay, in doonyo iyo maraakiib gurmad ah u tagaan markabka burburaya.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa Arabacadi u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weero Culus Ku Bilaabay Ciidamada ATMIS iyo Dagaal Culus oo Xalay Dhacay
Next articleItoobiya oo Saldhig Aykaga Hortagayso Ciidamada Masar ka Furtay Dhulka Soomaaligalbeed