Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weero Culus Ku Bilaabay Ciidamada ATMIS iyo Dagaal Culus oo...

Alshabaab oo Weero Culus Ku Bilaabay Ciidamada ATMIS iyo Dagaal Culus oo Xalay Dhacay

0

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo saacad ka badan uu socday dagaalka, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, waxaana saaka maydadka xubno katirsan kooxda Al-Shabaab lagu arkay duleedka Buulo-mareer.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana aagga magaaladaas haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ee deggan magaalada Buul-mareer, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari.

Aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleMarkab Dagaal Oo Difaacaaya Bada Soomaaliya oo Soo Dhaqaaqay
Next articleXuutiyiinta oo Gantaal Ku Dhuftay Markab Maraayay Badda Cas Kadibna Gubtay