Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Hanjabaad Culus u dirtay Cali Dheere

Dowlada Soomaaliya oo Hanjabaad Culus u dirtay Cali Dheere

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa galabta hanjabaad u diray Afhayeenka Khawaarijta Al-Shabaab Cali Dheere iyo xubnaha kale ee ku jira kooxdaas, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ku laaya dhalinyaro ay qaldeen.

Taliyaha ayaa Cali Dheexe ugu baaqay in jihaadka uu carruurta ku qasbayo uu soo galo, maadaama uu dhalinyarada ugu sheekeeyey inay jano gelayaan, wuxuu isaga ka dalbaday inuu qarax isku soo xiro oo janada soo doonto.

“Sheydaan Cali Dheeroow hadii jihaadku dhab kaayahay kasoo baxa keymaha oo qaraxa ugu horeeya isku soo xir dhalinyarada ha khaldine,” ayuu yiri Taliye Dayax Cabdi Cabdulle.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay goob ay Hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku midoobay daladda “Hooyo u hiili qarankaaga” ay sahay ciidanka loogu tala galay ku wareejinayeen.

“Dadka Soomaaliyeed iyo bulshada Gobolka Banaadir waa fahmeen dhagartii Khawaarijta cabsi gelina waxaba waa uga qaadi weyseen, waa kuwaas hooyooyinkii na garab taagan, waa aamusin weydeen, waa kuwaan maanta na garab taagan, cid Khawaarij ka cabsaneysa iyo cid garab taagan midna ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku soo daray.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa Cali Dheere iyo kooxdiisa ugu baaqay in carruurta ay qaldeen aysan ku halaagin dadkooda ee hadii uu jihaadka ay sheegayaan uu dhab ka yahay ay dagaalka soo galaan oo is qarxiyaan, hadii ay jano ku helayaan.

“Geedaha iyo godadka ka soo baxa hadii jihaadku dhab idinka yahay, Cali Dheere isku soo xir gaariga ugu horeeya ee qaraxa ah, dadka Soomaaliyeed waa kugu fahmeen in carruurtaadii ay Jaamacado dhiganayaan, wiilashada yaryarna aad soo qaldeysid, si dadkooda ay u halaagaan,” ayuu yiri.

Jeneraal Dayax ayaa farriin u diray dhalinyarada la qalday, “isaga taga argagixisada, kusoo laabta dadkiina, ka towbad keena wixii aad qaribteen, dowladda waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qof kasta oo muwaadin ah oo aan gacan ku dhiigle aheyn,” ayuu yiri Taliye Dayax.
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay amaradii ay Duldhigeen Diyarada ethopia iyo Dubai
Next articleMarkab Dagaal Oo Difaacaaya Bada Soomaaliya oo Soo Dhaqaaqay